Kooxa Hubeysan oo Ethopia Dad Ku Laayay

by admin | Thursday, Apr 1, 2021 | 314 views

Dabley hubeysan ayaa ugu yaraan 30 qof oo rayid ah ku dilay weerar ka dhacay gobolka Oromiya ee dalka Ethopia, tiro intaa oo kale ahne lagu dhaawacay, sida laga soo xigtay dad goobjoogayaal ah.

Wossen Andaege, oo 50 jir ah, ahne beeraley ayaa u sheegay wakaalada Reuters in lagu dilay weerarka oo ka dhacay Babo-Gembel ee Oromia 30 ruux, Wuxuuna ku sheegay in dadkaan ay kasoo jeedaan qowmiyada Amxaarada.

“Waxaan qaadnay meydadka anaga oo isticmaaleyna gaari waxaana aasinay 30 qof, ”ayuu yiri Wossen khadka taleefanka ugu sheegay wakaalada wararka ee Reuters.

Wuxuu sheegay in isaga iyo qoyskiisa markii ay maqleen dhawaqa rasaasta, kadibne ay u carareen xafiis dowladeed oo ka agdhowaa halkaas, si ay gabaad uga helaan ciidamada federaalka.

Mid ka mid ah dadka ku nool degmada Babo-Gembel ee uu weerarku ka dhacay ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in dableydu ay yimaadeen wixii ka dambeeyay 9-kii fiidnimo, waxayna ku qasbeen dadka deegaanka in ay banaanka isugu soo baxaan koox kooxna ay u dileen.

“Meeshu ma lahayn waardiye ammaan oo ka imanaya ciidamada amniga ee dawladda. Waxaan helay 29 mayd ah, halka ay jiraan meydad kale oo meelaha u dhow yaala”ayuu yidhi ninkan, oo waardiye ka ah kaniisadda Orthodox, oo magaciisa u qariyay sababo ammaan awgood.

Itoobiya oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika, ayaa la daalaa dhacaysa xakamaynta loolanka qowmiyadeed ee dhulka, awoodda iyo kheyraadka, taasi oo dabka kusii shideysa, ka hor doorashooyinka qaran ee Ethiopia.

Like it? Share it!

Leave A Response