Faah-faahinta hoobiyayaal lagu weeraray xero ciidan oo ku taal Muqdisho

by admin | Tuesday, Jul 25, 2023 | 192 views

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa tiro hoobiyeyaal ah oo saaka lagu garaacay xerrada Maslax ee degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

sarkaal ku sugan xerada ayaa inoo xaqiijiyay in hoobiyayaasha lagu weeraray, ay ku kala dhaceen gudaha iyo banaanka xerrada Maslax.

Ciidamada ku sugnaa xerada lagu weeraray hoobiyeyaasha ayaa markiiba sameeyay howl-gal, iyaga oo gacanta kusoo dhigay shaqsiyaad lagu tuhmayo weerarka, sida uu Caasimada Online u sheegay sarkaalka la hadlay.

Xerada Maslax ayaa waxa degan ciidamo milatari, gaar ahaan gutooyinka lagu magacaabo Khaalid Bin-Waliid iyo Cumar Bin-Khadaab, kuwaasi oo loo diyaariyay wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa imanaya maalin kadib un qaraxii is-miidaaminta ahaa ee naftii halige Shabaab ah uu ka fuliyay Kuliyadda Jaalle Siyaad, kaasi oo uu ka dhashay khasaare xooggan, oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

25 askari ayaa ku geeriyootay qaraxaas, halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, sida xogtaan ay ku soo dusiyeen saraakiil ciidan.

Xogtaan waxay sheegeysaa in 24 ka mid ah askarta dhaawaca ah ay ku jiraan xaalad halis ah, waxaana dhaawacyada la dhigay isbitaallada Xoogga iyo Digfeer.

Xerada uu qaraxaasi ka dhacay oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay leeyihiin waxay ku taallaa degmada Hodan.

Like it? Share it!

Leave A Response