Aadan Madoobe “Shaki iigama jiro in la fududeeyay qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad”

by admin | Tuesday, Jul 25, 2023 | 207 views
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Madoobe, ahna kusimaha madaxweynaha dalka, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay dhacdadii shalay ka dhacday xerada ciidanka Jaalle Siyaad,

Xerada ciidanka militariga ee Jaalle Siyaad ayaa halkaas shalay waxaa lagu laayay ciidamo badan oo ku dhintay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay gudaha xerada.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyaaya, sheegay in ay tahay masuuliyad darro in qof ismiidaamiye ah uu galo xerada ciidanka, isagoo sheegay in uu aaminsan yahay in loo fududeeyay.

”Shaki iigama jiro in la fududeeyay qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad, jawaab cad ayaa looga fadhiyaa Taliska Xoogga dalka”.

Guddoomiyaha ayaa faray saraakiisha amniga in la sameeyo baaritaan xoogleh, si gacanta loogusoo dhigo dambiilayaasha Shabaabka u fudeeyay weerarkan.

Weli madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu kama hadlin dhacdadan ay ciidanka badan ku geeriyoodeen. Lamana oga illaa iyo hadda tirada saxda ah ee geeriyooday.

Inkastoo wararka aan helnay ay sheegayaan in in ka badan 20  askari in ay ku geeriyoodeen weerarkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response