Dhul-gariir ka dhacay Gobol ka tirsan dalka Turkiga

by admin | Tuesday, Jul 25, 2023 | 96 views

Dhul-gariir Halbeegiisu ahaa 5.5 Richter Scale ayaa waxa uu saakayto oo Talaado ah ka dhacay Waqooyiga Bari ee dalkaasi. Xarunta La-socodka Dhul-gariirka Europe ee The European Mediterranean Seismological Centre (EMSC) ayaa soo tebisay inuu Dhul-gariir ka dhacay Gobalka Adana ee dalkaasi.

Aroornimadii saakayto, abaarihii 08:44:49 ee xilliga dalka Türkiye ayaa waxa uu Dhul-gariirku ka dhacay deegaan 20 KM dhanka Waqooyi kaga toosan magaalladda Kozan ee dalkaasi.

Sidoo kale, Hay’adda Turkiye ugu qaabilsan Gurmadka iyo Maaraynta Masiibooyinka (AFAD) ayaa xaqiijisay inuu Dhul-gariir Halbeegiisu ahaa 5.5 Richter Scale ka dhacay dalkaasi.

Lama soo tebinin wax khasaaro Nafeed, inkastoo ay Goobjoogayaal sheegeen inay jiraan Dhismooyin ku burburay Dhul-ruxankaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response