Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka Talyaaniga uga qeyb galay shir looga hadlaayay amniga iyo dhaqaalaha geeska Afrika

by admin | Tuesday, Jul 25, 2023 | 152 views

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Talyaaniga kaga qeyb galay shirka iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka geeska Afrika oo ay marti galisay Raysal wasaaraha dalka Talyaaniga Giorgia Meloni.

Shirkaan oo ka dhacay magaalada Roma ee Caasimadda dalka Talyaaniga ayaa dhexmaray madax ka socotay dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Itoobiya iyo Talyaaniga oo ahaa marti galiyaha kulanka, waxaana looga hadlay arrimo la xariira amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegtay iney mudnaan siinayso sidii ay iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah ugu heli lahayd wajiga labaad ee howlgalada dalka lagaga xureynayo Ururka Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugan dalkaas ayaa kulamo kala duwan ka wada magaalada Roma ee dalka Talyaaniga oo ay u tageen ka qayb galka shirar heer caalami ah.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si gaar gaar ah ula kulmo madaxda kala duwan ee ka qayb galeysa shirarkaasi, isaga oo kala hadli doono arrimo ku aadan xaaladda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response