Baarlamaanka Puntland oo u codeeyay in la beddelo qodobadii muranka uu ka taagnaa ee dastuurka

by admin | Tuesday, Jul 25, 2023 | 124 views

Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa saakay si rasmi ah waxay ugu codeeyeen in la beddelo qodobadii dastuuriga ahaa ee ka hor imaanayay in la ballaariyo xisbiyada siyaasadeed ee Puntland.

Fadhi ay yeesheeen baarlamaanka, ayaa 54 xildhibaan waxay cod gacan taag ah ugu codeeyeen wax ka beddelka qodobada dastuurka ee horey loosoo jeediyay, iyadoo 4 mudane ay diideen, halna uu ka aamusay.

Qodobka ugu muhiimsanaa ee uu muranka ka taagnaa ee la beddelay waxa uu ahaa, qodobka dastuuriga ah ee sheegayay in saddex xisbi ay kusoo baxaan doorashada. taasoo hadda laga dhigo 9 xisbi in ay noqdaan.

Waxaa uu baarlamaanku isku raacay soo jeedin ku saabsanayd in sagaalka urur siyaasadeed ee hadda jira ay noqdaan 9 xisbi siyaasadeed, taasoo ahayd talo soo jeedin ay dhawaan soo jeediyeen raysal wasaarayaal hore, Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdiarshiid

Waxaa kale oo baarlamaanku meel mariyay in madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay soo doortaan shacabka, waxaana meesha laga saaray qodob dastuuri ah oo sheegayay in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay soo doortaan baarlamaanka.

Khilaafka ugu badan ayaa wuxuu ka taagnaa wax ka beddelka dastuurka. Mucaaradka oo si adag ugasoo horjeeday lama oga tallaabada ay qaadidoonaan.

Like it? Share it!

Leave A Response