Askari dad u badan qoyskiisa ku laayay goob lagu aasayay Wiil uu dhalay oo geeriyooday

by admin | Monday, Jul 24, 2023 | 139 views

Askari u dhashay dalka Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa rasaas ku furay xubno qoyskiisa ka tirsan iyo dad kale oo ku sugnaa qabuuro lagu aasayay wiilkiisa oo geeriyooday, waxa uuna halkaasi ku laayay dad badan oo ehelkiisa ah.

Warbaahinta Congo ayaa baahiyay in askarigan oo ka carreesnaa in aan lagu war-gelin geerida wiilkiisa uu ku dilay goobta aaska ka socday 13-qofood uu u badnaa xubno katirsan qoyskiisa iyo ehelkiisa hoose.

Weerarkan oo ka dhacay tuulada Nyakova oo ku taal banka harada Albert ee gobolka Ituri ee dalka Congo, ayaa dadka ku dhintay waxaa ku jira xaaska askariga, soddohdiis, iyo laba carruur ah oo uu dhalay, dadka dhintay waxaa ku jira sidoo kale sideed carruur ah.

Lt Jules Ngongo, oo ah afhayeenka ciidamada gobolka Ituri, ayaa sheegay in goobtii aaska ka socday ay ka dhacday mashaqo aan la fileyn, waxa uuna xusay in askariga wiilkiisa geeriyooday dad u badan ehelkiisa ku laayay.

Askariga dadka badan ku laayay goobta aaska ka socday ayaa la sheegay in uu ka xumaaday in la aaso wiilkiisa isaga oon la ogeysiin la aasay, waxaana dhacdadan aad uga naxay dadkii degnaa halka uu falku ka dhacay.

Like it? Share it!

Leave A Response