Wasiirka wasaaradda Arrimaha Galmudug oo Xaafiiska Wasaaradda Ku qaabilay Wafdi ka socday Hay’ada NIS Foundaation{sawiro}

by admin | Monday, Jul 24, 2023 | 163 views

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka Iyo Dib-U-Heshiisiinta Galmudug Ayaa Xaafiiska Wasaaradda Ku qaabilay Wafdi ka socday Hay’ada NIS Foundaation oo ka Mid ah Hay’adaha Wada shaqaynta la leh Wasaaradda.

Shirkaan oo ay sidoo kale ka Qaybgaleen Wasiir Dowlaha Wasaarada, Agaasimaha Guud iyo Qaar kamid ah shaqalaha wasaaradda, Madax kasocotay wasaaradda Arrimah Gudaha DFS ayaa Diirada lagu saaray mashaariicda xasilinta ee ay waddo Hay’ada NIS iyo sida ugu fudud ee Adeegyada loo gaarsiin lahaa Bulshada ku nool Deegaanada Cadawga laga xoreeyay.

Wafdiga Ka socday NIS Foundation oo uu Hogaaminaaayay kuxigeen Hay’ada ee Somalia ayaa xusay sida ay Diyaarka ugu yihiin wada shaqaynta Dowlada iyo in ay U fududeeyaan Dowlada in Adeegyada lagaar siiyo Bulshada.

Wasiirka Arrimah Gudaha Federaalka Iyo Dib-U-heshiisiinta Galmudug Cabdi Mohamed Jaamac( Cabdi Waayeel) Ayaa uga mahad celinyay Hay’ada NIS Foundation wada shaqaynta ay la leeyihiin Hay’adaha Dowlada asagoo aad ugu dheeraaday qorshayaasha iyo ka warbixinta Sida ay wasaaradu ugu Diyaarsantahay ka jawaabida Baahiyaha arrimaha Bulshada ee Goobaha Cadawga laga xoreeyay, lagana rabo in Qorshayaashaas ay kula shaqeeyaan sxbada somaliya taageera.

Ugu danbeyn wasiirka ayaa si rasmi ah U daahfuray Bilaabashada Mashaariicda (Rapid Stabilisation and PROSPOS) oo ah Mashaariic xasilin laguna taageeri-doono Bulshada Galmudug.

 

     

Like it? Share it!

Leave A Response