Faysal Cali Waraabe oo sheegay in aanu aqbalayn doorasho aan ta madaxtooyada ahayn

by admin | Monday, Jul 24, 2023 | 120 views

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa naqdiyay jadwalka doorashada ee ay soo saartay guddida doorashooyinku.

Waxa uu sheegay in nidaamka ururada cusub lagu furay uu yahay mid aan shaqaynayn oo aan la aqbali karin, isaga oo sheegay in anay aqbalayn doorasho aan ahayn doorashada madaxtooyada.

“Maanta ayay u darnaayeen oo waxa ay yidhaahdeen ururo ayaanu samaynaynaa, adduunka ma urur ayaa ka dhaca, waxa la raba in anaga meesha nalaga saaro” ayuu yidhi Faysal.

Madaxweynaha iyo xukuumadiisa ayuu ku eedeeyay in ay yihiin koox aan cid kale u ogolayn in ay xukunka timaado “Waxa caddaatay in kooxdani anay cid kaleba u ogolayn xukunka, sharcigii aynu qoronay meel ayay iska dhigeen walaalayaal” ayuu yidhi Faysal.

Faysal waxa uu xukuumada madaxweyne Biixi ku eedeeyay in ay isku darsatay wax qababad la’aan, xukun jacayl iyo qabyaalad sida uu hadalka u dhigay, isaga oo dhalliilay hay’addaha sharci dajinta sida guurtida oo uu sheegay in ay sharci daro ku joogto.

Waxa uu waxgaradka, ganacsatada iyo culimada Somaliland ugu baaqay in ay u tagaan madaxweynaha isla markaana ay ku qanciyaan in uu ka hor yimaado go’aanka guddida doorashooyinka, isla markaana uu qabto doorasho madaxweyne.

Hadaba, xisbiga UCID ayaa ku kala jabay sida looga jawaabayo go’aanka guddida, iyada oo madaxda ugu saraysa ee xisbiga sida xogeeyaha guud, guddoomiye ku xigeenka iyo saraakiil kale ay taageereen go’aanka guddida doorashooyinka, isla markaana ay kasoo horjeesteen guddoomiye Faysal.

Like it? Share it!

Leave A Response