Sacdiyo Samatar: Reer Puntland waa inay jawaab ka bixiyaan sababta uu Deni labo jeer Garowe iiga celiyay

by admin | Monday, Jul 24, 2023 | 122 views

Guddoomiye ku xigeenka  koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Sacdiyo Yaasiin Samatar, ayaa ku eedeysay madaxweyne Deni inuu maanta ka celiyay in ay kasoo dagto garoonka diyaaradaha ee Garowe.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka oo ka qeyb gali lahayd caleemo saarka mid kamid ah salaadiinta dhaqanka ee beesheeda, ayaa lagu amray diyaaradii ay la socotay inay dib ugu laabato Muqdisho, iyadoo nasiib darro ku sheegtay  in markii 2aad laga celiyo Garowe.

“Siyaasada waxaa kusoo kordhay in gabar gorgoradeeda lagu dheganaado. Deni, celinta uu isoo celiyay xishood la’aanta siyaasadeed baan anigu ku magacaabi karaa,” ayay tiri guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka.

Sacdiyo waxay ugu baaqday isimada iyo xildhibaanada Puntland inay ka hadlaan sababta kaligeed loo bartilmaameesado, waxayna sheegtay in loo baahan yahay in Puntland la badbaadiyo madaxweyne Deni.

“Reer Puntland, hadday ahaan Isimo iyo shacab waa inay jawaab ka bixiyaan sababta uu Deni labo jeer Garowe iiga celiyay,” ayay hadalkeeda ku dartay guddoomiye Sacdiyo.

Waa markii labaad oo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya laga celiyo Puntland. Sanadkii hore ayay ahayd markii sidaan oo kale laga celiyay inay kasoo dagto magaalada Boosaaso. Iyadoo 16 askari ay ku geeriyoodeen gacan ka hadal ka dhashay in laga celiyo garoonka Boosaaso.

Waxay noqotay masuulka kaliya ee ka socda Dowladda Soomaaliya ee laga celiyo Puntland. Waxaa horey Puntland u yimid guddoomiye ku xigeenka aqalka sare iyo xildhibaano ka socda aqalka hoose.

Like it? Share it!

Leave A Response