FADEEXAD: Saxiixa Cusub Ee Barcelona Oo La Helay Qoraalo Uu Ku Aflagaadeynayo Lionel Messi Uguna Rajeynayo Inuu Dhinto

by admin | Tuesday, Aug 6, 2019 | 906 views

Saxiixa cusub ee Barcelona Junior Firpo ayaa titiray dhow qoraalo uu Twitter hadda ka hor uu soo dhigay oo uu ku aflagaadeynayo saaxiibkiisa cusub Lionel Messi oo ay ku jirto mid uu u rajeynayo geeri.

Daafaca bidix oo heshiis 16.5 milyan ginni uga soo wareegay Real Betis ayaa tirtiray qoraaladaan oo uu xiddiga Argentina ku tilmaamayi “Midkii ay dhilada dhashay” iyo mid uu leeyahay “waxaan rajeynayaa inuu dhinto.”

22 jirka Firpo ayaa sidoo kale ku faanay “Hal darbo kaliya ayaan ku jabin karaa labada lugood ee Messi.”

Qoraal kale oo uu Twitter soo dhigay ayaa hadana ku yiri: “Waxba igama gelin midkaas dooliga ah ee Messi haddii uu dhaawacmay. Waxaan rajeynayaa inuu dhinto oo uu gooldhalinta joojiyo hahaha”

Waxa uu yiri: “Waxyaabo foolxumo badan ayaan Messi uga sheegi jiray Twitter. Waxay ahaayeen waxyaabo caruurnimo ah.

Waa wax aan sameeyay markii aan 15 jir ahaa, cidna ima aqoonin kamana fekerin in sannado ka dib ay saameyn igu yeelan karto.”

Advertisements

Waxa uu qirtay inuu qalad sameeyay, waxaa uu Firpo ka laabtay hadaladiisii hore isagoo sheegay inuu aaminsan yahay in Messi uu yahay xiddiga ugu fiican dunida.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Waxaan mar walba dhahaa marka ay dadka ka hadlayaan Ballon d’Or in abaalmarinta la siiyo mar walba Messi ka dibna ciyaartoyda kale loo sameeyo abaalmarin kale.”

Like it? Share it!

Leave A Response