RASMI: Wayne Rooney Oo La Xaqiijiyay Inuu Door Ciyaaryahan Iyo Tababarenimo Ka Qabanayo Koox Ingariis Ah

by admin | Tuesday, Aug 6, 2019 | 922 views

Heshiiskii uu Wayne Rooney ugu biiray kooxda heerka labaad ee Derby County ayaa la xaqiijiyay laakiin kuma soo biiri doono ilaa iyo bisha Janaayo.

Advertisements

Halyeeyga Manchester United Rooney ayaa saaka oo Talaado ah soo gaaray Ingariiska si uu u dhameystiro heshiiska uu ugu biirayo kooxda Derby oo uu ka noqonayo ciyaaryahan iyo caawiye tababare.

Rooney ayaa dhameysan doona xilli ciyaareedka haatan socda ee horyaalka Mareyknka ka hor inta uusan ku soo biirin asxaabtiisa cusub ee Derby County islamarkaana uusan ka hoos shaqeynin tababare Philip Cocu ka dib markii uu saxiixay qandaraas 18 bilood ah iyadoo qiyaar loo siiyay inuu sannad kale ku darsan karo.

Rooney ayaa yiri: “Aad ayaan ugu faraxsanahay fursada ay Derby County ii soo bandhigtay.

“Waxaan sugi ;a’ahay inaan ku biiro Philip Cocu iyo shaqaalaha tababarka iyo ciyaartoyda kooxda koowaad laga bilaabo bisha Janaayo. Waxaan hubaa inaan wax weyn ku soo kordhin doono, waana sugi la’ ahay inaan la kulmo qof walba gaar ahaan taageerayaasha.

“Waxaan si la mid ah ugu faraxsanahay inaan waayahageyga tababarenimo ka bilaabo Derby County anigoo la shaqeynaya kooxda koowaad iyo akadeemiga.

“Waxaan sidoo kale fursadaan uga faa’ideysanayaa inaan u mahadceliyo DC United, milkiilayaashooda iyo taageerayaasha oo si fiican iila shaqeeyay. Waxaan rabaa inay ogaadaan inaan dadaalkeyga oo dhan ku bixin doono sidii ay ku soo gaari lahaayeen kulamada kala baxa.”

Like it? Share it!

Leave A Response