Markale Ayuu Muuq Beelay- Wargayska Marca Oo Weerar Ku Qaaday Lionel Messi Kadib Ceebtii Anfield Ku Soo Gaadhay Barca.

by admin | Wednesday, May 8, 2019 | 1241 views

Wargayska Marca ee magaalada Madrid ka soo baxa ayaa weerar ku qaaday kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi kaas oo ay ku tilmaameen in uu markale muuq ku beelay kulankii Anfield ee Liverpool.

Lionel Messi oo Liverpool burburiyay kulankii lugtii hore ee Camp Nou ayaa Anfield ka soo muuqday isaga oo aan ahayn ciyaartoygii uu ahaa wuxuuna si xun ugu dhibtooday ciyaartii ay Liverpool ku samaysay soo laabashada layaabka lahayd.

Wargayska Marca ayaa soo bandhigay xogtii Lionel Messi ee kulankii Liverpool waxayna ciwaan uga dhigaan ” Messi markale ayuu muuq beelay”.

Qoraalka Marca ayaa lagu bilaabay: “Waqtigan Lionel Messi muu muuqan sidii uu joogtada ugu soo samaynayay xili ciyaareedkan. Lambar 10-ku wuu aamusnaa isla markaana xogtiisu waxay muujinaysaa inta yar ee uu ka qayb galay guuldaradii Liverpool ee 4-0 ka ahayd”.

Xogtii Messi oo qormadan lagu soo bandhigay ayaa lagu yidhi: “Waxaa jiray 35 baas bixin oo guulaystay oo ka yimid xidiga reer Argentina kulankan oo dhan, lakaiin lix ayaan bartilmaameedkooda helin, waxaana la bara bixiyay 17 jeer”.

“Jordi Alba oo kaliya ayaa 21 jeer kubbada lumiyay , xataa may jirin qaladaad badan oo uu Messi ku gulaystay inkasta oo uu jiray mid fiican oo uu ku helay intii ay ciyaartu socotay”. ayaa qoraalka la sii raaciyay.

Lionel Messi ayaa lagu eedeeyay qaab ciyaareedkii uu kala soo muuqday Liverpool iyada oo waliba lagu duray in kulamada martida ah ee Champions league aanu saamayn badnayd tan iyo wixii ka danbeeyay xili ciyaareedkii 2010/11 kii markaas oo uu Real Madrid laba gool oo marti ah kaga dhaliyay Champions league.

Laakiin qoraalka Marca ee Messi ayaa ugu danbayn lagu sheegay: “Kaliya waxayna ahayn habeenkiisii si la mid ah inta badan ee ciyaartoyda Blaugrana”.

Like it? Share it!

Leave A Response