RASMI: Liverpool Oo Ku Dhawaaqday Faah Faahinta Tikidhada Kooxdeedu UEFA Ka Heshay Ee Finalka UCL Ee Estadio Wanda Metropolitano

by admin | Wednesday, May 8, 2019 | 990 views

Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah faah faahin uga bixisay saamiga tikidhada ay xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA uga heshay finalka Champions league ee garoonka Estadio Wanda Metropolitano.

Liverpool ayaa caawa ogaan doonta kooxda ay finalka UEFA Champions League kula ciyaari doonto garoonka kooxda Atletico Madrid ee Estadio Wanda Metropolitano laakiin haddaba waxay Reds ogtahay tirada jamaahiirta kooxdeeda ee garoonkan soo gali kara.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa tikidhada finalada tartamada kooxaha yurub waxay u asteeyaan labada kooxood ee tartanka iskaga hor imanaya halka qaybaha kale loo reebo saxaafada, marti sharafta iyo waliba masuuliyiinta sare ee tartanka lagu marti qaado.

Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah u shaacisay in kooxdeedu ay UEFA ka heshay 16,613 kun oo tikidh taas oo la micno in isla tiradan ay heli doonto kooxda Liverpool kula ciyaari doonta finalka UEFA Champions League waxayna ka kooban yihiin afar qaybtood oo garoonka ah oo kala qiimo duwan.

Heerarka garoonka Estadio Wanda Metropolitano ayaa ah afar qaybtood oo loo kala bixiyay Category 1 , Category 2, Category 3 iyo Category 4 wuxuuna qiimahoodu u kala sareeyaa sida ay goobta lagu ciyaarayo ugu kala dhaw yihiin ee garoonka loo wada arki karayo.

Boolkiiba  21% ka mid ah 16,613 kun ee tikidhada Liverpool ay UEFA ka heshay ayaa ah category 1, halka boqolkiiba 54% ay yihiin  Category 3 iyada oo boqolkiiba 20% waa category 4.

Halkan kaga bogo Qiimaha rasmiga ah ee ay Liverpool ku shaacisay tikidhada ay qaybta uga heshay UEFA ee finalka Champions league

Category 1: £513 (£410 aragtida garoonku way xadidan tahay)

Category 2: £385 (£308 aragtida garoonku way xadidan tahay)

Category 3: £154 (£120 aragtida garoonku way xadidan tahay)

Category 4: £60

Liverpool ayaa shaacisay in tikidhada kulanka finalka UEFA Champions league ee kooxdeedu yihiin kuwo loo kala heli doono sida loo soo kala horeeyo iyada oo taageerayaasha ugu soo horeeyaa ay heli doonaan tikidhada ay finalka ku daawan karaan.

Waxa kale oo jira 300 tikidh oo dheeraad ah oo ay Liverpool ka heshay UEFA kuwaas oo ay leeyihiin ciyaartoyda, shaqaalaha, kooxda da’yarta ee UEFA Youth League.

 

Like it? Share it!

Leave A Response