Warbixin: Saddex Arrimood Oo Juventus Ka Caawiyey Inay Ka Badiso Manchester United, Saamayntii Ronaldo Iyo Wacdarihii Dybala

by admin | Wednesday, Oct 24, 2018 | 1134 views

Juventus ayaa guul ay ku raaxaysatay ka gaadhay Manchester United oo ku ciyaaraysa garoonkeeda Old Trafford, kulan ay si walba awoodda u lahayd kooxda Old Lady oo xiddigaheeda Cristiano Ronaldo iyo Paulo Dybala oo kaashanaya Matuidi iyo Pjanic ay dhibaato la’aan ku dhamaysteen.

Gool uu daqiiqaddii 20-aad shabaqa Manchester United dhex dhigay Dybala ayaa ka caawiyey Juventus inay qaadato saddexda dhibcood ee ciyaartan ayna hoggaanka group-kan ku qabato 9 dhibcood, halka Manchester United ay haysato 4 dhibcood oo kaliya balse ay ka sarrayso Valencia iyo Young Boys.

Saddexda ciyaarood ee hadhay, Juventus waxay uga baahan tahay hal guul oo kaliya si ay u xaqiijisato inay kaalinta koowaad kaga soo baxday hormadan.

Haddaba waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa saddex arrimood oo sabab u ahaa in Juventus ay garoonka Old Trafford ku garaacdo Manchester United oo u ciyaartay qaab liidata oo difaac ku dhisan.

Bandhigga Cajiibka ah ee saddexda khadka dhexe

Juventus ayaa garoonka kusoo gashay shax ka kooban 4-3-3 oo ay kala hor tagtay shaxdii Mourinho soo diyaarsaday oo ahayd 4-2-3-1, waxaana uu tababaraha Juve khadka dhexe wada istaajiyey Miralem Pjanic, Blaise Matuidi iyo Rodrigo Bentancur oo ku sugnaa badhtamaha garoonka, waxaanay u awood sheegteen xiddigaha United uga ciyaarayay booskaas ee Paul Pogba iyo Nemanja Matic oo awoodi kari waayey inay hal-abuur sameeyaan.

Juan Mata ayaa loo xilsaaray inuu caawiyo weeraryahannada si ay u dhalin karaan goolal, laakiin waxa ku adkaatay inuu fursado ka dhex heli karo ciyaartooyada tayada badan ee khadka dhexe uga ciyaarayay Juventus oo u diiday inuu xattaa kubadda si  fiican u jiido.

Saddexda ciyaartoy ee weerarka uga ciyaarayey Juventus ee Ronaldo, Cuadrado iyo Dybala may ahayn kuwo kooban weerar kaliya, balse waxay si fiican uga soo shaqaynayeen khadka dhexe oo isla marka kubadda lagala wareego ay dib ugu noqonayeen, halkaana kasoo bilaabeen dhismaha kubbad qurux badan oo markaaba si degdeg ah loo geynayey qaybta ay ciyaartooyada Man United ku urursanaayeen.

Dagaalka khadka dhexe ee Juventus ay ku guuleysatay, ayaa waxa uu qayb ka noqday sababaha keenay guushooda ee Jose Mourinho iyo wiilashiisana khasaaraha ay kula seexdeen gurigooda martida loogu ahaa.

Maamulkii Juventus ee qaybta hore ee ciyaarta, Goolkii Dybala iyo khatartii Ronaldo

Shantii daqiiqadood ee ugu horreysayy ciyaarta, Manchester United ayaa u muuqatay inay si fiican u ciyaari doonto, isla markaana kubadda ka hayn karto, balse daqiiqado kooban kaddib, waxay ciyaartu kusoo ururtay qaybta ay Man United ciyaartooyadeedu joogeen oo badankoodu badhtamaha garoonka gaadhi kari waayey.

Paulo Dybala ayaa marar badan difaaca la dhex-cararay kubbad, isaga oo sameeyey isku-day laag ah gaar ahaan daqiiqaddii 18aad, waxaana ugu dambayn uu dhaliyey gool.

Ronaldo ayaa isaguna khatar weyn ku ahaa difaaca United, waxaana kubbad uu kasoo jebiyey dhinaca midig ku kulmay Cuadrado iyo Smalling, waxaana ay ugu dambayn u tagtay Dybala oo ka helay meel difaacu ka maqan yahay, si fududna shabaqa ugu hubsaday.

Cristiano Ronaldo ayaa kubbad awood badan oo laag xor ah ku tijaabiyey goolhaye David de Gea, hase yeeshee mar kasta oo uu kubadda qabto waxa uu ahaa khatar ay iska ilaaliyaan difaacyahannada Man United, gaar ahaan qaybtii hore oo uu marba dhinac u wareegayay.

Qaybtii labaad, Manchester United isbeddel ayay samaysay, waxase ku adkaatay inay khatar geliyaan goolka Juventus.

Bandhiga Difaaca Dunida ugu wanaagsan ee wiiqay United

Juventus iyo kooxaha kale ee Talyaaniga ahba, caadiyan waxay ku dhisan yihiin difaacyahanno adag oo ciyaartooyadu aanay si fudud ku dhaafi karin, mar kale ayaanay Juve muujisay Salaasadii markii ay iska hor yimaaddeen Man Uniteed.

João Cancelo ayaa dhagax adag ku noqday Martial oo dhinaca bidixda ka ciyaarayay, waxaana marka isaga si uun looga baxdo loo tegayey mujaahidka weyn ee Chiellini iyo Bonucci oo khibraddooda cajiibka ah, deganaanta iyo waayo-aragnimada sannadaha badan ay u sahashay in khatar kasta oo ku timaadda ay si fudud u xalliyaan.

Romelu Lukaku ayaa dhexda u galay Chiellini iyo Bonucci, waxaanay ka dhigeen mid aan kaba tirsanayn Manchester United, waxase shaqadooda gabay Rashford iyo Martial oo garbaha weerarka ka ciyaarayey, hase yeeshee iska dhex joogay garoonka iyagoo ka baxsan kari waayey Sandro iyo Cancelo.

Wojciech Szczesny hal mar oo kaliya ayay Manchester United toogatay, waxaanu ahaa laag uu la beegsaday Pogba oo birta ka jaray, kaddibna koorne ay ugu baxday.

Guud ahaan saddexdaas arrimood ee sare ku xusan ayaa sabab u noqday in Juventus ay gacanta ku dhigto guul muhiim ah oo ay xilli horeba iskaga xaadirin karto wareegga 16-ka.

Like it? Share it!

Leave A Response