Kaddib Ciyaartii Xalay, Cristiano Ronaldo Oo Farriin U Diray Taageereyaasha Manchester United

by admin | Wednesday, Oct 24, 2018 | 1189 views

Xiddiga Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa farriin u diray jamaahiirta Manchester United kaddib markii ay kooxdiisu 1-0 xalay kaga adkaatay ciyaar ka dhacday garoonka Old Trafford.

Juventus ayaa si walba uga awood badnayd Manchester United, marka la eego khadka dhexe, weerarka iyo difaacaba, waxaana markii ay dhamaatay garoonka soo galay jamaahiir jibbaysan oo kusoo ordayey Ronaldo, kuwaas oo qaar ka mid ah ay ciyaarta oo socota soo dhex-carareen garoonka.

Laacibka ku guuleystay shanta jeer xiddiga ugu wanaagsan dunida ee Ballon d’Or ayaa oo garoonka Old Trafford ku noqday xiddig weyn oo dunida laga yaqaano ka hor intii aanu tegin Real Madrid oo uu uga sii gudbay Juventus, ayaa waxa xalay la dareensiiyey inuu yahay halyey ku suntan quluubta jamaahiirta Manchester United.

Koobkii ugu dambeeyey ee Champions League, ayaa uu sabab u ahaa in United ay ku guuleysato, sidoo kalena koobab kale oo tartamada kale ee gudaha Ingiriiska ayaa uu ka caawiyey muddo lix sannadood ah oo uu joogay, iyadoo uu noqday laacibkii ugu horreeyey ee abaal marinta Ballon d’Or ku qaada gudaha waddanka Ingiriiska.

Haddaba markii ay dhamaatay ciyaartii xalay, ayaa waxa uu farriin u diray taageereyaasha Manchester United, kuwaas oo farriin uu ku qoray bartiisa bulshada ee Instagram uu uga mahad celiyey qaabkii ay usoo dhaweeyeen.

“Waxay ahayd guul muhiim ah iyo dareen qiiro ii lahaa. Wax wanaagsan ayay ahayd inaan mar kale ku ciyaaro Old Trafford. Way mahadsan yihiin jamaahiirta isoo dhaweeyey iyo taageerada ay ii muujiyeen.” Ayuu qoraalkiisa ku yidhi Cristiano Ronaldo.

Cristiano Ronaldo ayaa isku diyaarin doona ciyaar labaad oo Manchester United uu ka hor tegi doono oo ka dhici doonta magaalada Turin, taas oo uu mar kale afka hore uga ciyaari doono Old Lady haddii caafimaad qab uu ku gaadho.

Like it? Share it!

Leave A Response