Virgil van Dijk Oo Fariin U Diray Harry Maguire Ka Dib Markii Jabiyay Rikoorkiisa Daafaca Ugu Qaalisan Dunida

by admin | Tuesday, Aug 6, 2019 | 1199 views

Virgil van Dijk ayaa u rajeeyay saxiixa cusub ee Man United Harry Maguire nasiib wacan ka dib markii daafaca England uu noqday daafaca ugu qaalisan taariikhda.

Advertisements

Maguire ayaa heshiis 85 milyan ginni ah ugu wareegay shalay kooxda Manchester United waxaana uu jabiyay heshiiskiisa ay Liverpool ku soo iibsatay Van Dijk bishii Janaayo ee sannadkii hore oo ahaa 75 milyan ginni.

Maguire ayaa qandaraas lix sannadood ah u saxiixay kooxda Old Trafford ka dhisan waxaana la filayaa inuu kulankiisa ugu horeeya u safta Manchester United kulanka ay xilli ciyaareedka Premier League ku furanayaan Axada ee Chelsea.

“Nasiib wacan ayaan leeyahay” ayuu yiri Van Dijk. “Waxba kama dhihi karo rikoorka uu dhigay sababtoo ah waan ogaa in mar walba ay jiri doonta waqti uu isbedel imaanayo.

“Suuqa ayaa sidaas ah. Wax saameyn ah isaga kuma lahan laakiin wanaag ayaan u rajeynayaa.

“Qiimaha waxaa la socda cadaadis laakiin wax badan kuma bedelayo sababtoo ah mar walba cadaadis ayaa jira marka aad u ciyaareyso kooxaha waa weyn sida Man United. Laakiin wanaag ayaan u rajeynayaa”

Markii la weydiiyay sida uu ku maareeyay cadaadiska uu dareemayay markii uu noqday daafaca ugu qaalisan dunida ee uu u wareegay Anfield, Van Dijk ayaa ku jawaabay:

Like it? Share it!

Leave A Response