Zidane oo go,aan lala yaabay ka gaaray mustaqbalka Gareth Bale

by admin | Sunday, Aug 18, 2019 | 848 views

Zinedine Zidane ayaa sameeyay balan qaad cajiib ah isaga oo sheegay in Gareth Bale uu sii joogi doono Real Madrid xilli ciyaareedkan.

Zidane ayaa horey u ceyriyay garabka Wales, kaasoo Real ka dhigtay ciyaaryahanka adduunka ugu qaalisan sanadkii 2013.

“Waa uu joogi doonaa kooxda. Waa inaan diirada saarno xilli ciyaareedkan, wax kale ma jiraan,” Dhaawaca Eden Hazard waa nasiib xun annaga nasoo wajahay, laakiin ma uusan beddelin fikirkii aan ka qabnay Bale.

Bale ayaa kusoo bilaawday kulankii xalay, iyada oo Real ay bilawday ololaha cusub ee La Liga kadib markii ay 3-1 kaga badiyeen Celta Vigo.

Like it? Share it!

Leave A Response