Farmaajo oo ka hadlay qaraxa ay Saraakiisha ku dhinteen

by admin | Monday, May 10, 2021 | 303 views

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanya leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen saraakiishii, saraakiil xigeenkii, askartii iyo dadkii kale ee ku geeriyooday qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni iyo wadajir, si looga guuleysto Ururka Al-Shabaab oo inta badan weeraro kala duwan ka gerysta Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaaliya.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Taliyihii Booliiska Degmada Waaberi Gaashaanle Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane, Saraakiisha iyo Askarta kale ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee u shahiiday iyagoo ka shaqeynaya Amniga dalkooda iyo dadkooda. Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Amniga waxaan ugu baaqayaa in si wadajir ah ay isaga kaashadaan ka hortagga Al-Shabaab.”
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey -iyada oo lagu jiro habeen kheyr badan oo ka mid ah tobankii danbe ee bisha barakaysan ee Ramadaan- saraakiishii, askartii iyo shacabkii Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxa uu hooygooda ka yeello Jannatul Firdowsa, Saraakiisha kale iyo shacabka ay waxyeeladu ka soo gaartayna Eebbe u booga dhay

Like it? Share it!

Leave A Response