Dad lagu qabqabtay howlgal laga sameeyay Beledweyne kadib weerar ka dhacay

by admin | Monday, May 10, 2021 | 306 views

Ciidamada Booliska Magalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sameeyeen howlgallo kala duwan oo ay kusoo qabteen dad lagu tuhmayo inay falal amni darro ka geysteen Magaalada Beledweyne.
Howlgalka ayaa waxaa auu yimid kadib markii weerar mab gacmeed lagu tuuray Maqaaxi ay ku sugnaayeen Ciidamada Macawsileyada ah, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay Afar kamid ah ciidamada, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Magaalada.

Ciidamada ayaa howlgalkooda waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen xaafada uu weerarka ka dhacay ee howl-wadaag, waxaana dadka la qabtay la geeyay Saldhiga Booliska Beledweyne wallow badi dadkaasi la siidaayay.
Majirta wax war ah oo kasoo baxay Laamaha Amaanka oo ku aadan weerarka marka laga reebo howlgalka dadka lagu qabqabtay oo ay Ciidamada sameeyeen, waxaana xaafada howlwadaag ee Magaalada Beledweyne dhowr jeer ka dhacay weeraro kala duwan.

Like it? Share it!

Leave A Response