Booliska oo faah faahiyay khasaaraha ka dhacay qarixii ka dhacay Muqdisho

by admin | Monday, May 10, 2021 | 305 views

Taliska Ciidamada Booliska Soomaliyeed ayaa shaaciyay khasaaro dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay lagu qaaday Saldhiga degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir, kaas oo ay ku geeriyoodeen Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya.
Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali oo xalay xilli dambe Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxa ay ku geriyoodeen lix Ruux oo ay kujiran Taliyihii Saldhiga degmada Waaberi Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane & Taliye kuxigeenkii Waliyow Cadde Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamud Cageey halka ay ku dhaawacmeen 6 kale.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday Ruux iksu soo xiray waxyaabaha qarxa, kaas oo isku qarixyay Saldhiga degmada Waaberi, waxaana la sheegay nin xilliga qaraxa uu dhacayay uu Saldhiga ka socday Shir ay lahayeen Saraakiisha Booliska.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa, iyaga oo sheegay inay ku dileen Saraakiil iyo askar ka tirsan Booliska Soomaaliya wallow dadka qaraxa ku waxyeeloobay ay kamid yihiin dad Shacab ah oo wadada marayay.

Like it? Share it!

Leave A Response