Gabar xirneyd Dharka Ragga oo Gaalkacyo lagu soo bandhigay

by admin | Sunday, Jul 7, 2019 | 732 views

Taliska Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa soo bandhigay Gabar xirneyd Dharka raga,kuwaas oo dadka ula macaamili jirtay sida ragga oo kale,sidoo kalena hubeysneed.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug Maxamed Nuur Cali (Gadaar) ayaa sheegay in baariraano dheer kadib Gabadha oo lagu Magacaabo Deeqo Cabdullahi Aadan balse ku qaraaban jirtay Deeq  la ogaaday inay tahay qof dumar ah balse iska dhigayay Rag.

Deeqo Cabdullahi Aadan ayaa xilliga la qabanayaya waxaa ay ku hubeysneyd bustoolad,waxana ay sheegtay inay ku ilaashan jirtay dukaan ay laheyd.

Like it? Share it!

Leave A Response