Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

by admin | Sunday, Jul 7, 2019 | 740 views

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay Gudaha dalkaas waxa ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa Shaqo.

Kooxda ayaa ku weerartay muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Xuseen Cali Saqiir  Goob Ganacsi oo uu dhawaan ka Shaqa bilaabay taas oo ku taalla degaanka Naas Ee gobolka Mpumalanga ee Wadanka koonfur Afrika, iyaga oo dhowr xabood ku dhuftay,isla markaana isla goobta uu ku geeriyooday.

Mid ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa waxa uu sheegay in muwaadinka la dilay uu dalkaasi ku noolaa muddo 9 bilood kaliya,isla markaana dhawaan uu ka tegay Magalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Kooxa Burcada aheyd ee dilka geysatay ayaa Goobta ka baxsatay,waxaana Meydka Muwaadinka Soomaaliyeed Goobta ka qaaday qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaalida oo deris la ahaa Ninka la dilay.

Dalka Koonfur Afrika ayaa sanadkan 2019 waxaa kusoo kordhay dilalka loo geysanayo Soomaalida ku Ganacsata,waxaana weli jirin cid isku-dayday inay ka hor tagto dilalkaas ee labada dal ee Soomaaliya iyo Koonfur Afrika.

Like it? Share it!

Leave A Response