Golaha Ammaanka oo kulan deg deg ah Maanta ka yeelanaya xaalada Soomaaliya

by admin | Thursday, Aug 20, 2020 | 391 views

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee Maanta oo Khamiis ah in kulan aan caadi aheyn ay ka yeeshaan xaalada dalka Soomaaliya, iyada oo lagu guda jiro xilli kala-guur ah.

Fadhiga Maanta Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maalmo ka hor lagu wargeliyay Xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya, waxaana kulanka looga hadlayaa arrimo ay kamid yihiin xaalada Amni ee Soomaaliya & doorashooyinka.

Diplumaasiyiin ka qeyb-geli doona fahdiga Golaha Ammaanka ayaa waxaa ay sheegeen in kulankaan siweyn loo falan qeyn doono Arrimaha doorashada Soomaaliya oo weli aan go’aan rasmi ah laga gaarin, xilli muddo xileedka Madaxda Dowladda Federaalka uu geba-gabo yahay.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya Amb, James Swan ayaa warbixin u jeedin doona xubnaha golaha, isaga oo siwyen uga hadli doono xaalada siyaasadeed ee xilligaan dalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa ay ku jirtaa waqti kala-guur ah, waxaana loo diyaar garoobayaa doorasho aan wlei la shaacin doona ay tahay taas oo uu muran badan ka taagan yahay.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxda Saddex Maamul Goboleed & Duqa Muqdisho,kuwaas oo halkaasi u tegay furitaanka Shirka wada-tashiga Dhusamareeb, balse waxaa ka qeyb-galka Shirka Dhuusamareeb shuruud ku xiray Madaxda Dowad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa ay isha ku hayaan xaaladaha Siyaasadeed ee dalka, iyaga oo ku baaqay in dalka laga qabto doorasho la isku raacsan yahay oo laga wada heshiiyay.

Like it? Share it!

Leave A Response