Wafdi ka socda Puntland oo tegaya Magaalada Dhuusamareeb

by admin | Thursday, Aug 20, 2020 | 398 views

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug inay gaaraan Wafdiga ugu horeeya ee Puntland, kuwaas oo horudhac u noqonaya safarka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku tagayo Magaaladaasi.

Xubnaha wafdiga tegaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa horkacaya Guddiga farsamada ee ka baaraan-degida Arrimaha doorashooyinka ku matala Puntland & Xubno kale, kuwaas oo shirka Magaalada Dhuusamareeb ka qeyb-galaya.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la xaqiijiyay in Magaalada Dhuusamareeb uu tegi doono bilowga todobaadka soo socda, kadib cadaadis uga yimid Ergayga gaarka ah ee QM iyo safiirka Mareyka.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynayaasha, Galmudug, Koonfur Galbeed & Hir-Shabeelle, waxaana horay u diiday tegitaanka Magaalada labada Madaxweyne ee Jubbaland & Puntland, hayeeshee cadaadis uga yimid Beesha Caalamka ay ku tagayaan.

Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland ayaa ka qeyb galka Shirka Magaalada Dhuusamareeb waxaa ay ku xireen in dalka aysan laheyn Xukuumad dhaqan-gelisa waxyaabihii ay ku heshiiyeen, taas oo dib u dhigtay waqtiga shirka uu furmi lahaa oo ku aadaneyd 15-kii Bishaan Agoosto.

Like it? Share it!

Leave A Response