Hanjabaada cusub ee Facebook ee Helista Xogta Isticmaalaha WhatsApp si ay ugu Bartilmaameedsato

by admin | Monday, Feb 22, 2021 | 310 views

Warbaahinta bulshadda iyo shirkadda weyn ee xayeysiinta ee Facebook ayaa soo saartay amar kale oo loogu talagalay dadka isticmaala WhatsApp ee aan dooneynin inay tiknoolajiyadda fogaal arag maqalka siiyaan xogtooda.

Horaantii sanadkaan, Facebook wuxuu bilaabay inuu ku wargaliyo dadka isticmaala Allahadda WhatsApp. In barnaamijku si dhakhso leh ula wadaagi doonaa macluumaadkooda iyo xogtooda shirkada waa weyn ee baraha bulshada hadii ay rabaan iyo hadii kaleba, sidaasina ay tahay inay aqbalaan si ay usii wadaan isticmaalka barnaamijka kadib 8-dii Febraayo.

Facebook ayaa daha ka rogin waqtigaas kadib dib u dhac baahsan oo la soo daristey, inkasto ay ka gaabsatey sababta ay uga amuusatey dhaqan galinta sharcigaa, Inkastoo oo loo sababeyey qeylo dhan ka soo yeertey bulshadda baraha bulshadda isticmaala, laakiin kama usan quusan raadinta aan dhamaadka lahayn ee xogtan.

Isticmaalayaashu hadda waxay haystaan illaa 15-ka Maajo inay aqbalaan siyaasadaha shabakadda WhatsApp.

E-mayl loo diray mid ka mid ah ganacsadayaasheeda dhanka ganacsi ee ay aragtay Shabakadda TechCrunch, Fariin qoraaledka iyo fogal maqalka araga shirkadda Facebook ayaa lagu sheegay inay “si tartiib ah u weydiin doonto” dadka inay aqbalaan siyaasadda ah “inay si buuxda u janqadaan WhatsApp”.

Haddii aadan oggolaan kahor taariikhdaas waxaad awoodi doontaa inaad sii wadato helitaanka “wicitaannada iyo ogeysiisyada” “waqti gaaban oo xadiidan”.

Ma awoodi doontid inaad akhrisid ama dirtid farriimo xiligaas ka dib.

Facebook ayaa ugu xaqiijisay TechCrunch emaylka “In kastoo aysan si sax ah u tilmaameyn” qorshaha shirkadda mustaqbalka.

Marka loo eego siyaasadeeda isticmaalaha ee aan sida joogtadda ah uu isticmalin, WhatsApp waxaay ledahay guud ahaan waxaan tirtirnaa xisaabaadka kadib 120 maalmood oo aan la isticmaalin kontadda.

Xafidiida fariin qoraleedka-ilaa-ay ka gaarto qofka loo diraay oo la adkeyey amankeeda, Ayaa lagu daray WhatsApp kadib markii Facebook ay la wareegtey 2014 Aduun dhan $ US19 bilyan , taasoo ka dhigaysa mid soo jiidasho leh oo dadka isticmaala maskaxdooda lagu soo jidanayey.

Laga soo bilaabo 2016, WhatsApp wuxuu haystay “ogolaansho” inuu kula wadaago xog badan sida nambarada taleefannada iyo macluumaadka aaladda ee Facebook.

Isbedelka cusub wuxuu ku darayaa xog dheeri ah, Sida lacagaha iyo macaamilada wax ibsada xogtooda.

WhatsApp waxay uu sii durkeysa dhanka ganacsiga elektarooniga ah sida barnaamijyada Facebook ba uu ugu durkay dhanka ganacsiga ay horey u sameeyeen, waxayna dooneysaa xogta waana sababta ay u rabto dhammaan xogta kale isticmalayaasha Alladan – waa sii ay ugu bartilmaameedsadaan dhanka xaysiimaha.

Isticmaalayaashu kuma faraxsana qaar badanna ayaa durba bilaabay in ay ka hajiraan, Waxaayna leyihiin waaynu ka tageynaa bartan ay ledahay Facebook.

Elon Musk oo fariin qoraleed uu soo dhagay tobanaan milyan oo taageerayaashiisa ah inay i ay isaga guraan whatsApp oo ay “Isticmaalaan Alladda Signal” Inta ay wax ka ogonayaan dhibatadda ay uu keeni karto cusbooneysiinta soo socota ee WhatsApp.

Signal waxay uu shaqeysaa sii la mid ah sida whatsappka sida dirista fariin sireedka ah oo dhawaanahan ay ku soo dartey iyo fogaal maqal iyo arag fariin diris ah.

Farriinta uu soo saaray Mr Musk ayaa sababtay in saamiga shirkadaha aan xiriirka tooska la lahayn ay kor uga kacdo wax ka badan waxa ay shirkaddu uqalantay waxayna sidoo kale isticmaaleyaal badan oo cusub uguureen Signal iyo BiP Messenger oo laga leyahay turkiga, Dhanka kale WhatsApp ayaa ku dhibtooday inay sii wado la wadaagista xogta, tani ayaa ku keentay shirkada hoos uu dhac dhaqale oo ku yimaada.

Like it? Share it!

Leave A Response