Golaha Ammaanka oo Afar qodob kasoo saaray xaaladda Soomaaliya

by admin | Tuesday, Feb 23, 2021 | 300 views

Shirkii Golaha amaanka ee qaramada midoobay uu ka yeeshay arrimaha Soomaaliya oo warbixino looga dhagaystay Wakiilka Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan iyo Wakiilka midawga Afrika ee Soomaaliya iyo waliba Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah maxamed C/risaaq oo gabagabadii isagu hadlay, waxaa muhiimadda arrimaha ay ka midaysnaayeen ay ahaayeen Afar qodob.
1- In khilaafka iyo ismariwaaga taagan ay sabab u tahay dib u dhaca ku yimid doorashooyinkii lagu waday in ay dhacaan ka hor 8dii February,

2- In aanay jiri karin cid gaar ah oo nidaam doorasho oo u gaar ah samaysan karta,
3- In arrintu ay meel wanaagsan joogto maadaama 17 kii bishaan magaalada Baydhabo ay dhinayadu ku gaareen heshiis dhamaystiran, sidaas darteed ay muhiim tahay in si wadajir loo hirgaliyo heshiiskaas.
4- In xaaladda amaanka dalku ay halis ku jirto oo laga faa’iidaysan karo hadii aan la gaarin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Golaha Ammaanka ayaa siwyen uga walwalsan yahay xaaladda Soomaaliya, iyaga oo ku cel celinayay sida ay suurto gal u tahay in Soomaaliya ay la wareegto amaankeeda mar hadii 2021-22 ka lagu waday in ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan amaankooda.
Midowga musharixiinta iyo Xukuumadda Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara iska hor imaad siyaasadeed.
Golaha Ammaanka ee qaramada Midoobay ayaan weli go’aan rasmi ah kasoo saarin xaalada Soomaaliya, hayeeshee wadatashiyo kadib ayaa waxaa la filayaa inay go’aan ka qaataan xaalada xilligaan ee Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response