Mareykanka oo hoggaamiyeyaasha Soomalida uga digay rabshado ka dhaca Muqdisho

by admin | Tuesday, Feb 23, 2021 | 315 views

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in shaqaaqooyinkii ka dhacay 19-kii Bishaan Muqdisho ay horseedi karto halis kale iyo in wadanka hubinti la’aan kale,taasina uusan aqbaleyn Mareykanka.
Siihayaha Wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan Qaraamda Midoobay Richard Mills ayaa ugu baqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Maamul Goboleedyada inay qaadaan tallaabo deg deg ah oo xal looga gaarayo doorashooyinka si looga badbaado halis soo wajahda dadka Soomaaliyeed.
Hadalka Richard Mills Siihayaha Wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan Qaraamda Midoobay oo aad u dheeraa ayaa waxaa uu sidoo kale ku sheegay in Al-Shabaab ay yihiin halis weli kajirta Soomaaliya, waxaana uu soo jeediyay in saddex kamid ah hoggamiyeyaasha Al-Shabaab lagu daro liiska waxa loogu yeero Argagaxisada, kuwaas oo kala ah, Abuukar Cali Aadan, Macalin Aadan iyo Mahad Karate.
Warkaan kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli aan wax heshiis rasmi ah ana laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya, isla markaana dhawaan shaqaaqooyin salka ku haaya doorashada ay ka dhaceen Magaalada Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response