DFS oo sheegtay in Jubbaand & Puntland caqabad ku yihiin doorashada

by admin | Tuesday, Feb 23, 2021 | 295 views

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay xilligaan caqabad ku yihiin doorashada Soomaaliya.
Wasiirka oo ka hadlayay Fadhiga Golaha Amniga ee QM ayaa ku eedeeyey Madaxda Puntland iyo Jubbaland in heshiisyadii, Muqdisho, Baydhabo ilaa Dhuusamareeb intaba ay caqabada koowaad ku yihiin labada Maamul.

“Waa wax laga xumaado , Labada hogaamiye ee Puntland iyo Jubbaland ayaa wali caqabad joogta ah ku ah dhameystirka heshiiska, waxay markale diideen inay ka qeybgalaan kulanka iyagoo markale doortey inay madax-furasho u heystaan rabitaanka shacabka ayuu yiri” Wasiirka
Waxaa uu wasiirka hadalkiisa uu intaasi ku daray in Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland ay la Shaqeeyqaan dowlado Shisheeye, sidoo kalena musharixiinta mucaaradka dhankooda ay yihiin kuwo dano gaar ah leh.
Hadalka Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli uusan Muqdisho ka furmin shirkii uu ku baqay Maxamed Cabdullaahi farmaajo, kaas oo ay shuruud ku xireen ka qeyb-galkiisa Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland.

Like it? Share it!

Leave A Response