Safiirkii Talyaaniga u fadhiyay mid kamid ah dalalka Afrika oo la dilay

by admin | Monday, Feb 22, 2021 | 351 views

Safiirkii waddanka Talyaaniga u fadhiyay Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Confo ayaa lagu dilay weerar ka dhacay bariga dalkaas, sida sheegtay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga.

Luca Attanasio ayaa maanta oo Isniin ah ku dhintay Isbitaal la dhigay kaddib markii kolonyo gaadiidka Qaramada Midoobay ah oo uu ku safrayay lagu weeraray meel u dhow magaalada Goma, sida lagu sheegay bayaan.

Kolonyada ayaa lagu soo warramay in ay lahayd hayadda Cuntada Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee magaceeda loosoo gaabiyo WFP.

Askari boolis ah oo u dhashay Talyaaniga oo la safrayay kolonyada iyo qof kale oo saddexaad ayaa lasoo tabiyay in sidoo kale halkaas lagu dilay.

“Waxaa murugo leh in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay xaqiijineyso geerida maanta magaalada Goma ku haleeshay safiirkii Talyaaniga,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxat wasaaradda.

Weerarka ayaa la aaminsan yahay in uu ahaa isku day afduub, sida ay ku warrameen saraakiil ku sugnaa meel halkaas u dhow oo xero xayawaannada lagu xannaaneeyo ah.

Kooxo hubeysan ayaa lagu yaqaannaa in ay weerarro ka fuliyaan aaggaas oo ku dhow xuduudda dalka Congo uu la wadaago waddamada Rwanda iyo Uganda.

Maleyshiyaad ayaa sidoo kale joogto ugu dagaallama bariga waddanka, halkaasoo ciidamo badan oo Qaramada Midoobay ka socda ay isku dayayaan inay nabad ka abuuraan.

Like it? Share it!

Leave A Response