Hogaamiyayaasha Taliban oo dalka Qatar kulan kula qaatay saraakiil ka tirsan Mareykanka

by admin | Tuesday, Aug 1, 2023 | 206 views

Hogaamiyayaasha Taliban ayaa kulan kula qaatay dalka Qatar markii ugu horeysay saraakiil ka tirsan Mareykanka tan iyo markii ay dib ugu soo laabteen talada dalka Afgaanistaan labo sano ka hor.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Afgaanistaan ayaa Isniintii shalay sheegay in labada dhinac ay ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa kalsoonida labada dhinac, wadahadalka oo labo maalin socday, ayaa waxaa la isku soo qaaday, qaadista cunaqabateynta iyo xayiraadaha socdaalka iyo sidoo kale soo celinta hantida bangiga dhexe ee Afgaanistaan ee lagu dibadda hayo.

Sidoo kale wafuudda labada dhinac ayaa ka wada hadlay la dagaalanka maandooriyaha iyo arrimaha xuquuqul insaanka, ayuu yiri Abdul Qahar Balkhi.

Taalibaan ayaa la wareegtay Afgaanistaan bishii Agoosto 2021, waxaana halkaa ku burburay dowladdii Afgaanistaan ee ay taageerayeen reer galbeedku kadib markii Mareykanku ka baxay dalkaas. Ma jiro ilaa iyo hadda waddan si rasmi ah u aqoonsaday Talibanta Afgaanistaan tan iyo markii ay xukunka ku soo laabteen.

Like it? Share it!

Leave A Response