Maamulka gobolka oo war kasoo saaray arrin xiisad xooggan ka abuurtay Muqdisho

by admin | Tuesday, Aug 1, 2023 | 184 views

Bayaan ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa lagu faah faahiyey sababta dadka looga saarayo Dhulka (Kaasa Italia ) ee degmada Xamar weyne oo ah dhul ay leedahay safaaradda dowladda Talyaaniga.

Warka Maamulka ka soo baxay laguna faafiyey warbaahinta dowladda  ayaa lagu yiri, “Burburinta dhismaha Xarunta Kaasa Italia waxay ku timid Codsi nooga yimid dowladda Talyaaniga oo dalbatay in dhulkeeda loo baneeyo oo ay u baahan tahay.”

Sidoo kale Bayaan ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa lagu sheegay in dhulkaan aysan jirin ganacsato iyo dowladda isticmaali doonta, ”Waxaa bulshada loo sheegayaa inaanu jirin ganacsade ama dowlad Soomaaliyeed oo dhulkaas isticmaali doonta.”

Bayaanka ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku soo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada ay qabsadeen milkiilayaasha ganacsatada tagneed dhulkaan oo sheegay in dowladda ay boob ku ahayso, iyada oo ehalka madaxda dowladda ku eedeeyeen in uu damac kaga jira dhulkaan.

Like it? Share it!

Leave A Response