Ciidanka mucaaradka Puntland oo sheegay inay burburtay xabbad joojintii Garowe{AKHRISO}

by admin | Tuesday, Aug 1, 2023 | 226 views
Taliska Ciidanka la magac baxay Kumaandooska Danab ee Puntland ayaa sheegay inay burburtay xabbad joojin hal dhinac ah oo ay iyagu wadeen.

Qoraal kasoo baxay taliska Danab ayaa lagu sheegay inay isimada Puntland ku fashilmeen inay go’aamo kasoo saaraan xaaladda nabad galyada iyo jiritaanka Puntland.

Danab waxay sheegeen inay ka jawaabayaan tallaabo kaste oo uu qaado madaxweynaha Puntlad, oo ay ku eedeeyeen inuu isku diyaarinayo inuu muddo kororsi sameysto.

Danab waxay kaloo uga digeen ururada siyaasada Puntland inay aqbalaan tallaabo kaste oo lagu wiiqayo inay Puntland doorasho ka dhacdo sideeda bisha January ee sanadka 2024.

Warka kasoo baxay taliska ciidaka Danab ayaa kusoo aaday, kaddib markii shalay guddiga doorashada Puntland uu saaray 8 urur siyaasadeed oo loo aqoonsaday xisbiyo.

Arrintaas oo kooxaha mucaaradku u arkaan tallaabo muujinaysa in madaxweyne Deni  uu doonayo in xisbiyada ay u sameeyaan muddo kororsi labo sano ah.

Like it? Share it!

Leave A Response