by admin | Tuesday, Aug 1, 2023 | 199 views

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo saakay ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa Miino ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka dowladda oo maraayay Xaafada Buulo xuubeey ee degmada Wadajir.

Qaraxa ayaa inta la xaqiijiyay waxaa waxyeelo kasoo gaartay hal askari oo ku dhaawacmay qaraxa, waxaana sidoo kale uu burbur xoogan uu soo gaaray gaariga qarxa lala eegtay.

Ma jirtoo wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amaanka dowladda oo ku aadan qaraxa saakay ka dhacay xaafada Buulo xuubeey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa maalmahii ugu dambeeyay kusoo kordhaayay falalka la xariira amaan darada, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay amaanka Muqdisho uu ahaa mid wanaagsan.

Like it? Share it!

Leave A Response