Bangiga Adduunka oo Soomaaliya u ansixiyay lacag dhan $75 Milyan oo doolar

by admin | Tuesday, Aug 1, 2023 | 123 views

Guddiga sare ee maamulka Bangiga Aduunka ayaa ansixiyay in Soomaaliya la siiyo $75 Milyan oo doolar, taasoo loogu talo galay kabka Miisaaniyada dowladda Soomaaliya.

Deeqdaan ayaa si gaar ah uga timid barnaamijka horumarinta siyaasadda dhaqaalaha (DPO), sida lagu sheegay warsaxafadeed kasoo baxay Bangiga Aduunka.

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhaweysay talaabadaan oo ay ku tilmaamtay in lagu soo beegay waqtigii ugu haboonaa, taasoo sahlayso in si habsami leh ay u sii socdaan dadaalada loogu jiro kobcinta dhaqaalaha loo dhan yahay.

Madaxa Bangiga Aduunka ee Soomaaliya  Kristina Svensson ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay raacday dhabaha wanaagsan ee lagu gaarayo deyn cafinta, islamarkaana ay u baahan tahay in lagu garabsiiyo si ay uga gungaarto hiigsigeeda.

“DPF waxa uu taageerayaa rabitaanka dowladda ee ah in la dhiso aasaaska dhaqaalaha casriga ah iyo xoojinta hay’adaha dowladda. Tani waxay muujinaysaa horumarka baaxadda leh ee ay Soomaaliya ka samaysay dhinaca dhismaha hay’adaha dawladda iyo horumarinta dhaqaalaha, taas oo dhabbaha u xaaraysa mustaqbal xasilloon oo waara,” ayay tiri Kristina Svensson oo Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya.

Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale dowladda Fedaraalka Soomaaliya ku amaanay isbadalada dhaqaale oo ay sameyneyso.

Like it? Share it!

Leave A Response