Mudanayaasha labada Aqal ee BFS oo meelmariyey ku noqoshada miisaaniyadda dowladda 2023-ka

by admin | Monday, Jul 31, 2023 | 188 views

Kulan maanta ay Xildhibaannada labada Aqal ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Aqalka Sare ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ayey ku ansixiyeen ku noqoshada miisaaniyadda dowladda 2023-ka, kaas oo ay ka doodeed fadhigii ugu dambeeyey ee ay yeesheen.

Kulanka oo ay soo xaadireen 172 Mudane ayaa waxaa shirguddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeennada labada Aqal ee Baarlamaanka.

Ugu horreyn Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Farax Nuux iyo Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Miisaaniyadda Aqalka Sare Senator Ibraahim oo kulanka kawada hadlay ayaa Mudanayaasha labada Aqal ka wada codsaday in miisaaniyadda la meelmariyo.

Intaas kaddib Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo cod u qaaday Miisaaniyadda ayaa sheegay in ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda 2023-ka ay ogol ugu codeysay 169 mudane, waxaana diiday 1 mudane halka uu ka aamuseen laba mudane.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Bixi Iimaan Cige oo la hadlay mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu mahadceliyay xildhibaannada meel marinta ku noqoshada miisaaniyadda dowladda 2023-ka.

Like it? Share it!

Leave A Response