Qarax ay ku dhinteen in ka badan 40 qof oo ka dhacay Pakistan

by admin | Monday, Jul 31, 2023 | 176 views

Qarax aad u xooggan ayaa Axadda maanta ah ka dhacay bannanabax siyaasadeed oo ay iskugu yimaadeen taageerayaasha wadaad xagjir ah ahna hoggaamiye siyaasadeed degmada Bajur ee Waqooyi Galbeed ee dalka Baakistaan.

Booliiska ayaa sheegay ugu yaraan 40 qof inay dhinteen, ku dhowaad 200 kalena ay dhaawacmeen oo ay ku jiraan carruur, mid ka mid ah weerarradii ugu xumaa ee dhaca sanandihii dhowaa, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Sarkaal sare oo ka tirsan booliiska ayaa sheegaya in kulanka xoogsatada ee taageera xisbiga wadaadka Maulana Fazlur Rehman ee Jamiat Ulema Islam party inuu ka socday duleedka magaalada Khar ee caasimadda degmada Bajur markii uu qaraxu dhacay.

Bajur ayaa ah degmo ay ku xoogan yihiin mintidiinta gaar ahaan Taxreek Al-Taliban Pakistan inkastoo ay cambaareeyeen qaraxan.

AP ayaa sidoo kale soo tebisay in Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Shebaz Sharif iyo madaxweynaha Arif Alvi ay iyaguna cambaareeyeen weerarka.

Like it? Share it!

Leave A Response