Maxkamadda CQS ayaa xukun ka soo saartay kiis dhimasho sababay, kadib markii ay laba Wiil isku qabsadeen Gabar Tiktokarad ah.

by admin | Monday, Jul 31, 2023 | 282 views

Maxkamadda Ciidama Qalabka sida ayaa xabsi Ciidan ku xukuntay Askar ka tirsan Ciidanka ilaalada shacabka oo hoosyimaada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA kaddib markii uu askari ka tirsan uu Muqdisho ku dilay Wiil dhallinyaro ah.

Dilkaan oo markii hore ka yimid gacan qaad uu asalkiisa hore ka dhashay dhallinyaro isku dagaashay Gabar TikToker ah oo saaxiibo ay ahaayeen Sharma’arke Xuseen Jimcaale oo loo garan og yahay “CR” kaas oo soo watay laba Askar oo ka wada tirsan Ciidanka ilaalada Shacabka ee NISA.

Bayaan maanta ka soo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa ku sheegtay in Sharma’arke Xuseen Jimcaale “CR” iyo Maxamed Faarax Maxamed ay is gacan qaadeen habeen ka hor geerida Marxuum Saciid Cabdi Cali.

Sharma’arke ayaa 29 -kii June soo watay Maxamed Abuukar Dayax iyo Maxamed Cali Cusmaan oo kawada tirsan ilaalada shacaka NISA, waxa uu CR u soo watay in ay kaalmeeyaan maadaama habeen ka hor isaga iyo Maxamed Faraxa ay isku qabteen gabar TikToker ah oo CR la socotay.

Qorshuhu waxa uu ahaa in Sharma’arke iyo Maxamed ay iska miirsadaan oo aan cidna soo dhex gelin laakiin Marxuum Saciid Cabdi Cali oo aan war u hayn heshiiska nimanka ayaa kala celi is lahaa, waxaana xabad afsaar ah madaxa mariyay Maxamed Abuukar Dayax, isla meeshaas oo Bosh ahayd ayuuna ku naf baxay Marxuumka. Sida lagu yiri warka ka soo baxay Maxkamadda.

Maxamed Cali Cusmaan oo isna ka tirsan Ciidanka ilaalada shacabka oo hoosyimaada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ka tirsan ee ay wada socdeen wax waajib ka gudasha ah ma sameyn, waxaana sabab u ahayd in ay iyaga dhan wada duulaan ahaayeen. Ayaa lagu sii yiri warka ka soo baxay Maxkamadda.

Maxkamadda Ciidamada ayaa qaaday fadhigii u dambeeyay ee kiiskan 22-kii July, waxa ayna ku kala xukuntay 1- Maxamed Abuukar Dayax Dil toogasha ah, 2- Maxamed Cali Cusmaan Shan-sano oo xabsi ciidan ah halka Sharma’arke Xuseen Jimcaale “CR” lagu xukumay Sanad, sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Like it? Share it!

Leave A Response