Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo gaaray Dhuusamareeb

by admin | Tuesday, Aug 25, 2020 | 390 views

Wafdi uu hoggaaminaayo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa goor dhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareb ayaa waxaa kusoo dhaweeyay  Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Safarka ayaa waxaa ku wehliyay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee degaanada maamulka Galmudug.

Waxgaradka iyo siyaasiyiinta ayaa kulamo kala duwan ku yeelan doono Magaalooyin ka mid ah Galmudug, waxaana looga hadlaya xaaladaha kala guurka.

Maalmihii lasoo dhaafay Galmudug waxaa ka dhacayay  shirar looga hadlayay marxalada kala guurka siyaasadeed ee uu dalku galay iyo go’aan ka gaarista hannaanka doorasho

Like it? Share it!

Leave A Response