Ciidamada Liyuu Booliis oo ku guuldareystay kala qaadista Maleeshiyaadka ku dagaalamay Dhul daaqsimeed.

by admin | Tuesday, Aug 25, 2020 | 358 views

Ciidamada Liyuu Booliis ayaa ku guul-dareystay kala qaadista maleeshiyo beeleed saacado ku dagaalamay deegaanka Garasle Dowlad Deegaanka Soomaalida oo isku heysta dhul daaqsimeed.

Maleeshiyaad labada dhinac qaarkood ayaa ku dhintay dagaalka halka kuwa kale ay dhaawacmeen, waxaana si iskii ah u istaagay dagaal beeleedka salka ku haya dhul daaqimeedka.

Askarta Liyuu Booliis oo tagay Deegaanka ayaa ku guuldareystay kala qaadista maleeshiyaadka iyo ku qancinta xabad-joojin si loo galo wada xaajoodka lagu dhameynayo dhulka ay isku heystaan ee dagaalka ka dhashay.

Waxaa is hor fadhiya maleeshiyaadka dagaalamay, Waxgaradka Deegaanka ayaa wada xal u raadinta xiisadda si aysan markale ku dagaalamin, una sii kordhin khasaaraha oo saameyn taban ku yeeshay dadka deegaanka.

Dagaalada salka ku haya is qabqabsiga dhul daaqsimeedka ayaa kusii kordhay deegaannada Dowlad Deegaanka Soomaalida, maamulka waxa uu sheegay in uu xal u raadinayo wax ka qabashada dagaalkaas.

Xeer iyo xukun adag oo lagu xakameeyo maleeshiyaadka Xoolo dhaqatada u badan ee isku qabsada Dhulka ay daaqsanayaan Xoolahooda ayaan jirin, waxaana la sheegay in ay hub wataan dadka xoolo dhaqatada ah, waana tan fududeysay in isku dhacoodu kordho.

Like it? Share it!

Leave A Response