faafaahin:Kooxo hubeysan oo nabadoon ku dilay Muqdisho

by admin | Tuesday, Aug 25, 2020 | 342 views

Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir gaar ahaan Xaafadda Siliga Ameerikaanka ayaa waxa ay sheegayaan in Koox hubeysan ay halkaasi ku dishay nabadoon si weyn looga yaqaanay degaanka.

Nabaddoonka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray  Sh Cali Maxamed Cismaan.

Goobjoogayaal ayaa  u sheegay  warbaahinta   in xilliga la dilaayay uu ku sugnaa xarun oo uu ku leeyahay halka lagu dilay.

Kooxdii dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay waxaana halkaasi gaaray Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya.

 

Like it? Share it!

Leave A Response