“Iyada oo la eegayo Xaaladda Amni ee dalka waa in la joojiyaa isu imaatinka Dadka” Wasiirka Amniga XFS.{sawiro}

by admin | Sunday, Dec 20, 2020 | 397 views

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ku baaqay in la joojiyo isu imaatinka Shacabka iyada oo laga fogaanayo waxyeelo gaarto sabab la xiriirta xaaladda ammaanka dalka.

Xundubey ayaa sheegay in halkii meel la isugu keeni lahaa shacab aan la damaanad-qaadi Karin ammaankooda in ay ka habboon tahay in warbaahinta loogu gudbiyo fariinta mas’uuliyiinta ay u dirayaan.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in marwaliba halis ay ka dhalan karto in meel la isugu keeno Shacabka, isaga oo tusaale usoo qaatay qaraxii ka dhacay Gaalkacyo 18-kii December 2020.

“Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan mas’uuliyiinta waxa aan u jeedinayaa in la joojiyo isu keenka Dadka si looga badbaadiyo naftii halige iyo qar iska tuur lagu dhibaateeyo, iyada oo amniga laga fikirayo oo aan la diidaneen isu imaad & in la kulmo in la joojiyo kulamada, haddii aan la hureyn la geeyo meelo ammaankooda la sugay” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Amniga XFS.

No description available.

Waa uu sii hadlay Wasiirka Amniga Soomaaliya waxa uuna yiri “Duruufaha Amni & xaaladda dalka uu ku jiro iyada oo la dhaqangelinayo waxaa habboon in shacabka meeshii kulan la isugu keeni lahaa Warbaahinta in la gala hadlo oo codka lagu gaarsiiyo”.

Dalka ayaa isu diyaarinaya Doorashada 4-tii sano mar la qabto, waxaana hareeyay muran siyaasadeed ka dhashay hab maamulka Guddiga maamulaya, waxaana dhowr jeer Caasimadda ka dhacay dibadbaxyo sababay israsaaseyn, halka mararka qaar jidadka la xiray.

Like it? Share it!

Leave A Response