Madax ka hadashay sanad-guurada 77aad ee Aas’aaskii Booliska Soomaaliyeed

by admin | Sunday, Dec 20, 2020 | 331 views

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa Booliska JFS ugu hambalyeeyay sanadguurada 77-aad ee aas aaska ciidanka Booliska oo ku asteysan 20-ka December.

Guddoomiye Mursal ayaa bogaadiyay dowrka wanaagsan ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka qaadanayaan sugida amniga guud ee dalka.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20 December 1943 ayaa sanadkaan xusaya sanadguurada 77-aad ee aas aaska ciidanka Booliska oo loo asteeyay 20-ka December.

Dhinaca kale Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo la hadlay SONNA ayaa ciidanka Booliska ugu hambalyeeyay sanadguurada 77-aad ee aas aaska ciidanka Booliska oo ku asteysan 20-ka December.

Sareeyeyaasha ,Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ayuu taliyaha ugu hambalyeeyay Munaasabadda Sanadguurada 77-aad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed (S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar) ayaa ugu hambalyeeyay Xubnaha Ciidanka.

“Maanta oo taariikhdu tahay 20-ka Disember 2020, waxaa sharf ii ah in aan ugu hambalyeeyo dhamaan Sareeyeyaasha, Saraakiisha Sare, Saraakiisha Hoose Kormeereyaasha, Sarkaal Xigeenada, Alifkayda, Dablayda, Xaasaskooda, Caruurtooda iyo dhamaan Shacbi weynaha Soomaaliyeed, maalintaan weyn ee Aasaaska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Waxaan ilaahay ka rajeynayaa inuu sanadkaan sanadkiisa kale nagu gaarsiiyo barwaaqo iyo Xasilooni waarta, waxaan ilaahay naxariistiisa uweydiinayaa xubnihii naftooda ku wayay iyaga oo u adeegaya Ummadda Soomaaliyeed iyo kuwii ku dhaawacmay.

Sanadkaan sii dhamaanaya waxaa Ciidanku gaaray natiijooyinka dhaxal-gal ah, waana uga mahadcelinaynaa Dowlada dhexe iyo Shacabka Soomaaliyeed garab istaagooda”

Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay Doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan Amniga iyo xasilinta Guud ahaan Dalka.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20 December 1943 ayaa sanadkaan xusaya sanadguurada 77-aad ee aas aaska ciidanka Booliska, waxaana sanadkaan Munaasabadda laga darreemayaa u diyaar garow aad u ballaaran.

Like it? Share it!

Leave A Response