James Swan oo soo dhaweeyay Magacaabista guddiyada ee Puntland & Jubbaland

by admin | Thursday, Jan 28, 2021 | 342 views

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan, oo ay wehliyaan wakiillo ka socda Hay’adda Beeraha iyo Cunnada ee FAO iyo Madaxa Booliska UNSOM oo Maanta gaaray Jowhar ayaa la kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Xuseen Guudlaawe iyo golahiisa wasiirradda.

Labada dhinac ayaa ka wada  hadlay taageerada Qaramada Midoobay ee Hirshabeelle, taas oo dhinacyo badan leh iyo sidoo kale hadlayaa xaalada siyaasadeed ee alka gaar ahaan arrimaha weli muranka uu ka taagan yahay ee doorashooyinka dalka.

Kulanka kadib Isagoo warbaahinta maanta kula hadlayey magaalada Jowhar, Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, waxa uu soo dhoweeyey magacaabista Puntland iyo Jubaland ee guddiyada doorashooyinka isagoo ku tillaabadaas ku tilmaamay mid “wax ku ool ah” waxa uuna xusay in kulanka lagu baaqay ee madaxda Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah uu yahay mid waxtar leh.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in aysan soo gaarin guddiyada ay Magacaabeen puntland iyo Jubbaland sidoo kalena sharci darro loo maray  hanaanka Sharciga ah ee loo maro Magacaabista guddiyada.

Like it? Share it!

Leave A Response