Dowladda Soomaaliya oo kasoo horjeesatay Guddiyada doorashooyinka ay shaaciyeen Puntland & Jubbaland

by admin | Thursday, Jan 28, 2021 | 316 views

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in qoraal rasmi ah oo ku saabsan Magacaabista Guddiyada doorashooyinka  Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee maamulaya doorashooyinka heer Dowlad Goboleed midkoona soo gaarsiinin.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la ogeysiiyay Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in guddiyada ay shaaciyeen Maamulada Puntland & jubbaland ay yihiin kuwo baalmarsan hanaanka Sharciga ah ee loo maro Magacaabista guddiyada.

Maamulada Jubbland iyo Puntland ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ay  Baraha bulshada ku faafiyeen Magacyada min 8 Xubnood ay sheegeen in ay yihiin guddiyada doorashooyinka ee heer dowlad Goboleed.

Like it? Share it!

Leave A Response