Ururka Jaamacadda Carabta oo ku baaqay kulan deg deg ah

by admin | Thursday, Jan 28, 2021 | 325 views

Mas’uuliyiinta Jaamacadda Carabta ayaa sheegtay in dowladaha Masar iyo Urdun ay soo jeediyeen in wasiiradda arrimaha dibadda ee dowladaha Carabtu yeeshaan kulan deg deg ah bilaawga bisha February.

Kaaliyaha xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Danjire Xusaam Zaki ayaa sheegay inay ka heleen wakiilada Masar iyo Urdun qoraal ku saabsan sidii loo qaban lahaa kulan heer wasiir ah, kaas oo looga hadli doono amniga gobalka, xoojinta midnimada Carbeed iyo qaddiyadda Falastiin.

Zaki ayaa intaas ku daray inay qoraaladaas ay u qaybiyeen dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta si ay uga soo qayb galaan shirkaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response