Kaliya Halka HIBO/XIRFAD Ee Uu Cristiano Ronaldo Dheer Yahay Edin Hazard Oo Daaha Laga Rogay

by admin | Tuesday, Sep 18, 2018 | 922 views

Cristiano Ronaldo waxa uu leeyahay HIBO Dilaanimo oo uusan Edin Hazard wali in uu leyahay muujinin.

Taas waa qiimeynta laacibkii hore ee khadka dhexe, Premier League iyo England Jamie Redknapp, kaas oo sheegay in Belgium-ka uu qaanad kula jiro weeraryahanka Paris Saint-Germain, Neymar.

Cristiano Ronaldo waxa uu sameystay sumcad sababtay in lagu tilmaamaa in uu yahay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa aduunka abid isaga oo ku guuleystay shan Ballon d’Or.

Laacibka reer Portugal waxa uu saanta dhulka la helay waayihiisa Italy kulankii Sassuolo oo uu laba gool ku furay akoonkiisa.

Dhinaca kale Hazard waxa uu dhaliyey saddexley ciyaartii Cardiff City ee horyaalka Premier League.

27 jirka bandhiggaas waxa uu ammaan kaga mutay tababaraha wacdaraha ka bilaabay Premier League – Maurizio Sarri.

Hase ahaatee, Redknapp waxa uu aaminsanyahay in Hazard uu masaafo dheer u jiro in uu gaaro heerka Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

“Haddii aad Premier League-ga u xulan ahayd koox khiyaali ah hadda, Eden waxa uu noqon lahaa kan ugu horreeya ee aad doorato,” ayuu Redknapp u sheegay Daily Mail.

“Aad ayuu u nasiib xumaa maadama aan loo dooran ciyaaryahankii ugu wacnaa Koobkii Aduunka.

“Haddii Belgium-ka guuleysan lahaa, waxaan hubaa in abaalmarintaas la siin lahaa.

“Waxyaabaha qaar ee uu Russia ka sameynayey dunidan kama jiraan.

“Waxaan isku qaanad galiyaa Neymar.

“Waxyaabaha ka horistaagay Hazard in uu noqdo kan ugu wanaagsan waa in uusan lahayn HIBADA dilaanimo ee ay afka hore ee goolka ku leeyihiin Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

“Kuwani waxa ay ahaayeen saddexleydii ugu horreeysay ee uu Chelsea u dhaliyo Hazard tan iyo kulankii Newcastle bishii Febraayo, 2014.

“Messi iyo Ronaldo waxa ay u dhalinayeen sida ay rabaan waayahooda oo dhan.

“Maurizio Sarri si caqliyeysan ayuu u adeegsaday isaga oo markii hore kayd ahaan ugu soo bilaabay kahor inta uusan 11-ka hore ku soo darin.

“Waxa ay ka dhigan tahay In maskaxda Hazard ku jirtay  in fasax fiica uu soo qaatay Koobka Aduunka kadib oo uu u cartamayo bandhig sameyn.

“Hadda imtixaanka horyaala waa in uu yeeshaa ol’ole kii Salah oo kale ah sanadkii hore oo uu dhaliyo 40 gool.”

La Wadaag Asxaabtaada:
FacebookTwitterPinterestLinkedInEmail
NOQO QOFKA UGU HOREEYA EE ARAGTI KA DHIIBTA WARBIXINTAAN

 

“Waan Wer Wersanayaa,” – Cristiano Ronaldo Oo Qiray HAL Arrin Oo Real Madrid Ku Saabsan Kaddib Labadii Gool Ee Uu Shalay Dhaliyey
Mohamed Salah Oo Si Cajiib Ah Uga Jawaabay Xidhiidhka Uu La Leeyahay Sadio Mane & Roberto Firmino- Miyuu Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Mane?
Xiddigaha Man United & Liverpool Oo Qabsaday Shaxda Kooxda Isbuuca 5-aad Ugu Fiican Premier League Ee Khabiirka BBC-da Garth Crooks.
Inuu Raaxo Dareemayo La’aanta Cristiano Ronaldo, Jawaabtii Cajiibka Ahayd Ee Uu Bixiyay Markii Waxa Laga Weydiiyay Midka Fiican Julen Lopetegui Iyo Zinadine Zidane & Faah-Faahinta Wareysi Xasaasi Ah Oo Uu Bixiyay Gareth Bale.

Like it? Share it!

Leave A Response