Kenya oo qaati looga taagan yahay dhismaha darbiga & Shabaab oo Qorshe halis u degay

by admin | Sunday, Mar 25, 2018 | 1369 views

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Mudane Maxamed Muxumed Maxamed ayaa sheegay in wada hadalkiisa u socday labada Maamul ee Belad-Xaawo iyo Mandheere  uu dhicisoobay, sababa la xiriira dhismaha darbiga labada magaalo oo Kenya ay dib u bilowday.
Guddoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in wada hadalka ay la galeen Maamulka Mandera uu ujeedka uu ahaa in la xoojiyo wada shaqeynta labada maamul iyo labada magaalo ee dariska ah oo ay iska kaashadaan dhanka amniga oo uu xusay inay isku afgarteen.
“Shirka labada Maamul waxaan uga wada hadalnay isu socodka iyo iskaashiga dhanka amniga, balse waxaa kale oo jirtay ajande kale oo shirka ka baxsanaa oo la xiriirtay dhismaha darbiga ay Kenya ka dhisayso xadka, oo ay go’aansadeen inay sii wadaan, iyagoo sheegay in Madaxweynaha Kenya uu arrintasi amray” ayuu yiri Guddoomiyaha.
Mudane Maxamed Muxumed Maxamed ayaa sheegay inaysan maslaxad ku jirin dhismaha darbiga, waxaana uu ku baaqay in la joojiyo dhaq dhaqaaqa ku saabsan dhismaha sharci darrada ah ee ay Kenya ka dhiseyso xadka labada dal Soomaaliya iyo Kenya.
Guddoomiyaha Gobolka Gedo ayaa ka codsaday Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay qaataan mas’uuliyadda ah sidii looga hortagi lahaa dhismaha darbiga ay Kenya ka dhisaneyso xadka labada dal.

Like it? Share it!

Leave A Response