War deg deg ah :Isbiatalka Magaalada Gaalkacyo ayaa la geeyay Wiil Cirbad lagu duray ka dib markii.

by admin | Saturday, Mar 24, 2018 | 1096 views

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in  ay cabsi soo wajahday dhalinyarada ku Shaqeysta Mooto Bajaajta,kadib markii Darawal ka mid ah kuwa Mooto Bajaajka lagu duray cirbad .
Qaar ka mid ah Bulsahda Magaalada Gaalakcyo oo dhacdadaas  ka hadlay  ayaa waxa ay sheegeen in Darawalka Mooto Bajaajka oo ahaa Wiil Dhalinyaro ay cirbad ku dureen laba dumar ah kadibna ay baxsadeen.

Cirbada ayaa la sheegayaa in wiilkaan dhalinyarada ah iney ku dureen laba gabar oo bajaajta saarnaa kuwasi oo markii cirbada ay ku dureen cararay sida ay ii xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.
Isbiatalka Magaalada Gaalkacyo ayaa la geeyay Wiilkii Cirbada lagu duray si baritaan loogu sameeyo,waxana taasi ay keentay in ay cabsi soo wajahdo.
Sidoo kale laamaha amniga Galmudug ayaa haatan wada baaritaano ku aadan haweenka cirbada dadka ku duraya,waxana haatan la soo sheegayaa in Wiilkii cirbada lagu duray xaaladiisa ay tahay mid wanagsan.

Like it? Share it!

Leave A Response