Kenya oo soo iibsaneysa Gaadiid ay kula dagaalanto Al-Shabaab

by admin | Tuesday, Jan 26, 2021 | 337 views

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday Qorsho ay kusoo iibsaneyso gaadiid farabadan oo ay u adegsan doonto dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka fuliya meelo kamid ah dalkaasi Kenya.

Wargeysa The Star oo soo xignayay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya ayaa sheegay in 118 Gaadiidka dagaalka ah ay Kenya kasoo iibsaneyso dowladda turkiga si ay ugu adeegsato dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

Afhayeenka Ciidamada difaaca Kenya Zipporah Kioko ayaa sheegtay in uu geba-gabo marayo heshiiska ay kusoo iibsanayaan Gaadiidkaas wallow aysan shaacin Shirkadda Turkiga ah oo ay heshiiska la galeen kana iibsanayaan gawaarida.

Gaadiidkaan ayay afhayeenku sheegtay inay sidoo kale u adeegsan doonaan ka hortegida weerarada iyo miinooyinka Al-Shabaab, waxaana Wargeysa The Star uu shaaciyay in Kenya ay gaadiidka kusoo iibsan doonto lacag dhan 70 Milyan oo Dollar.

Tallaabadaan ay Gaadiidka kusoo iibsaneyso dowladda Kenya ayaa waxaa uu daba socdaa, kadib markii bilihii la soo dhaafay ay kordheen weerada qaraxyada miinada ah oo ay Al-Shabaab  ka fuliyaan meelo kamid ah Gobolka Waqooyi Bari.

Like it? Share it!

Leave A Response